Ciidamada ammaanka Puntland oo xabsiga dhigay dad ka soo jeedo Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku xiray dad badan oo u dhashay dalka Itoobiya, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Qowmiyada Oromada, iyadoo ay sii kordhayaan falalka amni darro ee maamulkaas.

Baaritaankan oo ay si wada jir ah u fulinayaan ciidamada badda iyo kuwa booliska ee gobolka ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo yareyn lahaa caqabadaha ka dhalan kara qulqulka muhaajiriinta shaqo doonka ah ee dhawaanahan ku soo qul qulaya deegaannada Puntland, iyadoo dhanka kalena looga hortagayo qatarta ka dhalan karta xiriirka ay la leeyihiin kooxaha argagixisada ah sida Daacish iyo Al-Shabaab.

Maamulka Puntland ayaa ku andacoonaya in ay sii kordhayaan Tahriibayaasha Oromada ah ee ku biiraya Ururada Argagaxisada,kuwaasi oo khatar amni ku haya Boosaaso iyo Magaalooyinka kale ee waaweyn ee deegaankaasi.

Howlgalka ka socda magaalada Boosaaso ayaa ah mid looga soo horjeedo xiisadaha gobolka ee sii kordhaya iyo walaacyada la xiriira amniga iyo socdaalka. Gaar ahaan, heshiis muran badan dhaliyay oo dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, oo Itoobiya u ogolaatay inay hesho xeebaha Somaliland, ayaa sii huriyay xiisadda ka taagan Soomaaliya oo dhan, taasoo saamaynaysa badbaadada iyo aragtida qaxoontiga iyo tahriibayaasha Itoobiya.

Is-afgaradkaas oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ku dhaleeceysay inuu xad-gudub ku yahay madax-bannaanida ayaa horseeday in ay sii kordhaan xad-gudubyada ka dhanka ah Itoobiyaanka ee ku sugan Soomaaliya, oo ay ku jiraan Qowmiyada Oromada oo dhibanayaal u ah gacan-ka-hadal iyo hanjabaado afka ah sida ay sheegeen ilo kala duwan. Xaalada ayaa waxaa sii cakiran weeraradii ugu dambeeyay ee loo nisbeeyo maleeshiyada Al-Shabaab, oo lagu bartilmaameedsanayo muwaadiniinta Itoobiyaanka ah iyo cabsida uga sii daraysa dadka qaxootiga ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed