Ciidamada ammaanka oo magaalada Muqdisho ku qabtay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa

Ciidamada ammaanka ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafadda Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho waxa ay ku soo qabteen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo ay soo abaabuleemn uruka Al shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Booliska, Sadiiq Aadan Cali oo Sabtidii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho maanta, ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen darawalkii waday gaariga Toyota Land Cruiser, isla-markaana ay baaritaano ku socdaan.

“Baabuurka waxaa ku xirnaa labo taariko oo kala duwan, Al-shabaabna waxay damceen inay shacabka weeraraan, balse maamulka Daarusalaam iyo ciidamada ammaanka ayaa ka hortagay qorshahooda,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Gaarigan qaraxa lagu soo xiray ayaa ku soo beegmaya saacado kadib markii madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor uu ka badbaaday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay deegaanka Laas-gacamey ee gobolka Mudug. Balse labo xildhibaan oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Xildhibaan C/salaan Xaaji Dhabancad ayaa sheegay in isaga iyo Senator Cabdi Xasan Qaybdiid ay soo gaareen dhaawacyo fudud, kaddib markii ay ku soo dhaceen qaybo ka mid ah darbiga qaraxa kaddib.

Ciidamada amaanka caasimada ayaa heegan buuxa galiyay tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda. Howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab ayaa ka socda gobollada dhexe ee dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed