Ciidamada ammaanka Kenya oo gacanta ku dhigay agab ciidan sidoo kalana dilay xubin ka tirsan Al shabaab

Koox amni oo ka kooban dhowr hay’adood ayaa weerar ku qaaday xero ku meel gaar ah oo Al-Shabaab ay ku leedahay  deegaanka Dabalwein oo ka tirsan degmada Ijara ee ismaamulka Garissa waxayna ku dileen hal dagaalyahan, sida ay booliisku sheegeen.

Tuhmaneyaal aan tiradooda la garanayn ayaa la baxsaday iyagoo dhaawac ah weerarkii ay ku fuliyee ciidamada ammaanka ee Kenya, sida ay sheegeen booliiska oo ka war-helay howlgalka.

Kooxdu waxay soo heleen agab ciidan oo kala duwan sida  AK47 , 90 xabo oo rasaas ah, dawooyin, cuntooyin iyo waxyaabo kale.

Waxay sidoo kale soo heleen sahay caafimaad iyo agabka laga sameeyo walxaha qarxa, sida ay booliisku sheegeen.

Booliska ayaa sheegay in ay kordhiyeen howlgallada lagu baacsanayo mintidiinta ismaamulka Garissa iyo gobolada kale si looga hortago weeraro qorsheysan oo dalkaasi ka dhaca, oo ay soo abaabulaan kooxda Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed