Ciidamada ammaanka gobolka Gedo oo gacanta ku dhigay gaari laga soo raray waxyaabaha qarxa iyo Darawalkii waday

Ciidamada Amniga Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa fashiliyey gaari laga soo buuxiyey waxyabaaha qarxa oo ay soo abaabuleen dagaallamayaasha Al shabaab, kaas oo la soo bandhigay, kadib markii baaritaan lagu sameeyay markii la qabtay.

Ciidamada  ayaa horey u haayey xogta gaariga oo ay ka buuxaan rasaas, qoryo, iyo agab la doonayay in lagu weeraro degmada Doolow.

Gaarigaan ayaa dhankale waday rasaas cusub, jirgaamo ama caagadaha loo yaqaan labaatanlaha oo la aaminsan yahay in ay ku jireen waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada, rasaas cusub iyo agab kale, inkastoo aanan faah faahin dheeraad ah laga bixin.

Guddoomiyaha Degmada Doolow Maxamed Xuseen Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanka ay qabteen shaqo adag oo Al shabaab ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, sida uu hadalka u dhigay, waxaa uu intaas raaciyay in ay sii wadi doonaan howlgallad ka dhanka ah Al shabaab ee lagu xaqiijinayo amniga gobolka.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay ciidamada ammaanka in la joogteeyo shaqada adag isla markaana ay muujiyaan howlkarnimo iyo feejinnaan dheeraad ah.

Darawalkii gaariga waday ayaa ciidamaddu gacanta ku hayaan, iyaga oo ku wada baaris ku aadan macluumaadka halka loo waday gaariga, iyo meesha uu ka yimid, maaddaama ay saarnaayeen agabyada  cusub ee qaraxyada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed