Ciidamada ammaanka degmada Caabudwaaq oo gacanta ku dhigay hub sharci darro ah iyo shakhsiyaad loo taxaabay saldhigga

Ciidamada amaanka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa howlgalo lagu guuleystay waxa ay ka sameeyeen deegaankaas oo ay ku soo qabteen hub sharci daro ah. Howlgalka oo ahaa mid lagu xakameynayay hubka sharci darrada ah ayaa waxaa lagu soo qab qabtay shaqsiyaad lagu helay in ay wateen hubkan.

Taliyaha Booliska Gobolka Galgaduud, Qalbi Axmed Cali, oo ka tirsan Maamulka Galmudug, ayaa xaqiijiyay in howlgalkaan uu yahay mid looga hortagayo hubka sharci darrada ah iyo shaqsiyaadka lagu heysto. Shaqsiyaadka la qabtay ayaa islamarkiiba la geeyay saldhiga degmada Caabudwaaq si sharciga loo horgeeyo.

Taliye Cali ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wadashaqeynta qaar ka mid ah shacabka, isagoo xusay in qaar badan oo ka mid ah ay si iskood ah ugu soo dhiibeen qoryihii ay wateen ciidanka. Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhexmarta bulshada iyo ciidamada, isagoo u rajeeyay in wanaagaas uu sii socdo.

Howlgalladan ayaa ka tarjumaya hannaan firfircoon oo maamulku ku wajahayo amniga iyo ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta gobolka Galgaduud, iyadoo ujeeddadu tahay in la xakameeyo dhacdooyinka ay ka mid yihiin dilalka loo geysto dadka ka soo jeeda gobollada Galgaduud iyo Mudug.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed