Ciidaanka Kenya oo Howgallo Ka Bilaabay Xadka Soomaaliya.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa howlgallo ka bilaabayxadk ay wadaagaan Soomaaliya Kenya, kuwaas dhaqdhaqaaq Ciidan ka bilaay deegaannada Xuduudk.

Ciidamada ammaanka  Kenya wado howlgallo  lagu sugayo amniga deegaannada Dalkaas ee xiga Xadka Soomaaliya si looga hortago in dagaalamayaal katirsan La shabaab  ay gudaha waddankaas u gudbaan.

Saraakiil katirsan Booliiska Kenya ayaa sheegay in howlgalladaan ay yihiin kuwo joogta ah oo marweliba lagula soconayo dadka ka gudba Soohdinta si aanay ugu dhex dusin xubno katirsan  Al Shabaab oo damacsan in ay xadka ka gudbaan.

Dowladaha Soomaaliya & Kenya ayaa dhowaan ku heshiiyay dib u furista Xadka ay wadaagaan iyada oo howshaas lagu qabanayo muddo aan ka badneen 90 cisho sida ku xusan heshiiska ay wadagaleen mas’uuliyiinta labada dhinac kala metaleysay.

Howgalladaan ayaa imaanaya iyada oo dhowr Al shabaab dilal iyo qaraxyo ka geysteen gudaha dalka Kenya iyo Sidoo kale Xuduuda labada dal.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed