CIA oo sheegtay in fursad dahabi ka dhex aragto dagaalka Ruushka & Ukraine

Agaasimaha laanta sirdoonka dalka Mareykanka William Burns ayaa sheegay in fursad dahabi ah oo aan la dayici karin ay ku dhex arkaan dagaalka Ruushku ku soo qaaday Ukraine, isla markaana aanay dayici doonin fursadan oo uu ku sheegay inay tahay mid halkii qarniba mar la arko.

William Burns ayaa carabka ku adkeeyey in dagaalka ay ka dhex arkaan fursad ay ku qoran karaan jawaasiis u dhashay Ruushka, isagoo sheegay in xilligan ay tahay xilli muhiim ah oo aanay dayici doonin inay qortaan dad sirdoonka kala shaqeeya.

William Burns oo horey u soo noqday safiirka Mareykanka u fadhiya Moosko ayaa sheegay in qanacsanaan la’aanta laga qabo xukunka Putin iyo dagaalka Ukraine ay u arkaan inay ka faa’idaystaan fursad ay ku qortaan dad loo adeegsado wararka dacaayadka ka dhanka ah taliska Ruushka iyo waliba hawlaha mukhaabaraadka.

Agaasimaha CIA-da oo ka hadlayay kacdoonkii dhawaan ay sameeyeen ciidamada Wagner wuxuu tibaaxay in arrintaasi inkastoo ay tahay arrimo u gaar ah gudaha Ruushka haddana wuxuu sheegay in taasi ay daciifisay xukunka madaxweyne Putin.

Warqabadka HBN Online

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed