Cali Jeyte oo ku noqday furimaha dagaalka markale, dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadda Caalamkana u diray baaq.

Guddoomihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiirraan, dhawaana ku dhawaaqay maamul aan heysan aqoonsi ee la yiraah Hiiraan State ayaa dib ugu laabtay furahimaha dagaalka gobolka Hiiraan, asiga oo booqday Ciimada dowladda iyo kuwa deegaanka ee dagaalka xooggan kula jiro Al-shabaab.

Cali Jeyte qataa saakay tegay furimaha dagaalka oo ay isku hor-fadhiyaan Ciidanka deegaanka ee hubeysan kuwa dowladda oo dhinac ah, iyo koxda Al-shabaab, Cali jeyte ayaa waxaa la socday xillibaanno ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya ee ka soo jeedo gobolka Hiiraan, kuwaas oo taageersan maamulka uu hoggaamiyo Jeyte.

Cali Jeyte oo tagay deegaanno ay kamid yihiin Beerxaano, Baardheere iyo kuwa kale, oo ah deegaanno Al-shabaab SAl-shabaab laga saaray, oo ah goobo furin ah, ayaa ka jeediyay khudbado kala duwan, waxaa ku nuux-nuux-saday in uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka aah Al-shabaab, inta laga xorreynayo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka.

Ciimada deegaanka, kuwa dowladda ayuu u sheegay in loo baahan yahay sii wadada dagaalka, asiga oo ku dhawaaqay in ay garab taagan yihiin qeybna ka noqonayaan howgallada looga soo horjeedo al-shaabaab.

Dhankala Cali Jeyte ayaa eed kulul u jeediyay dowladda dhexe, isaga oo sheegay ciidamada lagu soo tababaray dalka bannaakiisa oo ay Soomaaliya gacan ka siiyeen dowladdaha tagaeero in Hiiraan aanan laga siin qeybtiii ay mudnaayeen, maaddaama ay dagaal xooggan kula jiraan A-shabaab.

Sidoo kale waxaa uu ka dhawaajiyay in Ciidamada kala duwan ee dagaalka ku jiro muddo sannad ah  ee gobolka in ayansan dowladda Soomaaliya siiin wax xuquuq ah, masuuliyadna ay ka saaran tahay.

Ugu dambeyn Cali Jeyte ayaa baaq u diray dowladaha taageero Soomaaliya in ay il-gaar ah ku fiiriyaan gobolka Hiiraan oo dagaal ba’an kula jira Al-shabaab, waxaa uu sheegay in loo baahan yahayb in la siiyo taageero buuxdo.

Hadalka ka yimid Madaxweynaha  gobolka Hiiraan ee aanan laa qoonsaneen, ayaa u muuqdo mid uu ku dalabanayo taageero dhaqaalo oo ku bixinaayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee Gobolka Hiiraan.oomaaliya

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed