Cali Jeyte oo dhaliil xooggan u jeediyay Hirshabeelle iyo dowladda dhexe xilli lagu wado in uu la kulmo Xasan Sheekh

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday degmada Maxaas ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ahna madaxweynaha maamulkaasi Cali Jeyte Cismaan, maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka ayuu ku dhaliilay in aysan wax mashaariic ah ka fulin deegmooyinka iyo deegaannada gooblka Hiiraan.

Haddalka Jeyte ayaa kusoo aadaya xili xasaasi ah, iyada oo lagu wado inuu magaalada Maxaas kula kulmo Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka imaanaya Dhuusamarreeb sida aan ku helnay warar lagu kalsoon yahay. Maalmaha soo socda ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh qorsheynayaa inuu wafdi u diro degmada Maxaas si ay u qorsheeyaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Inkastoo xiisado colaadeed ay ka jiraan gobolka Hiiraan, haddana madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada hadal la furay siyaasiyiinta reer Hiiraan ee dowladda kasoo horjeeda. Wuxuu ku dhiirigeliyay inay ka gudbaan khilaafaadkooda, ayna ku biiraan ciidamada dowladda dhexe ee dagaalka kula jira ururka Al shabaab.

Hiiraan, iyada oo hormuud ka ahayd la dagaalanka Al-Shabaab, waxa ay gaareen guul iyada oo aan taageero la taaban karo ka helin dawladda. Hawlgallada hadda ka socda gobolka ayaa sii  xoogeysanaya muddooyinkii dambe . Dad badan ayaa aaminsan in dowladdu aysan si waafi ah u taageerin dadaallada Hiiraan  ee deegaannadii ay ka saareen Al shabaab.

Si kastaba, Cali Jeyte oo ah madaxweynaha aanan heysan aqoonsiga ee Hiiraan State ayaa lagu wadaa in uu kulan la yeesho madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo raadinaya taageero xooggan oo ka dhan ah dagaalka Al shabaab.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed