Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciidan tiro badan oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, Cali Jeyte Cismaan oo uu Madaxweynuhu u magacaabay in uu kormeero Macawsleyda ayaa boqolaal ka tirsan ciidamada Macawsleydakula kula hadlay deegaanka Halgan, isagoo kula dar daarmay in ay si dhab ah uga qayb qaataan dadaalada wadajirka ah ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab. .
Cali Jeyte Cismaan ayaa dardaaran cad siiyay ciidamada. Dardaarankiisa ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in si weyn loogu diyaar garoobo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhawaan dhici doona. Ku dhawaaqida howlgalladaan ayaa sidoo kale ka dhawaajisay khudbadiisa, isla markaanaa in dadka reer Hiiraan looga baahan yahay inay u midoobaan sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa gobolka.
Dhaqdhaqaaqa Cali Jeyte Cismaan ee ciidamada deegaanka ayaa imaanaya, asagoo booqasho ku tagay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ka bilaabay abaabul ciidan oo xooggan, si gaar ah waxaa uu u tagay maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.
HBN NEWS DESK