Cali Jeyte oo Bilaabay Tallaabooyin Kaga Sii Daraya Xaaladda Hirshabeelle

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte ee ku dhawaaqay maamulka aanan heysan aqoonsiga ee Hiiraan State ayaa bilaabay magacaabis kala duwan iyo wareegtooyin uu ku magacabay  xubno ka hoos shaqeyn doono maamulkiisa.

– Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Hiiraan State ayuu u magacaabay magcaabay Suleeymaan Geeddi Ibraahim. 

-Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta ayaa loo magacaabay, Cabdullahi Maxamed Faarax Biriq, isaga oo taliyaha Saadka Ciidanka Daraawiishta u magacaabay Afrax Cali Xasan.

-Magacaabista kale ee uu sameyay Cali Jeyte waxaa kamid ah, guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayuu u magacaabay  Cabdicasiis Axmed Cadoow oo ku magac dheer Jaaburi, dhanka kale guddoomiyaha gobolka Shabeellada Sare ayaa loo magacaabay,  Cabdiladiif Faarax Aadan. 

-Warqadda ka soo baxday xafiiska Jeyte ayaa lagu gunnaanaday magaacbista Afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Maxamed Saxane Odowaa.

Si kastaba, magaacbistaan ayaa imaaneysa iyada oo maamulka Hirshabeelle uusan dhaqan gellin xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Cali Jeyte, waxana guul darreystay wada-hadalo hoose oo xaaladda lagu qaboojin lahaa.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed