Cali Jeyte oo abaabul ciidan ka wado gobolka Hiiraan isla markaana ku dhawaaqay dagaal cusub

Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali Jeyte oo ku sugan gobolka Hiiraan, ayaa boqolaal ciidanka deegaanka ah kula hadlay fagaaro ku yaal, deegaanka Baardheere ee gobolkaas, isla markaana u jeediyay khudbad xasaasi ah

Cali jeyte ayaa ciidanka u sheegay in ay isky diyaariyaan sidii Al shabaab looga saari lahaa  degaannada katirsan gobolka Hiiraan, loona midoodo sidii gobolka looga dhigi lahaa mid nabad ah.

Ergayga Madaxweynaha ee  arrimaha Macawisleyda ayaa sidoo kale ciidanka u sheegay in ay u diyaar garowaan howlgal ka duwan kuwii hore oo  Al shabaab looga xoreynayo guud ahaan dalka, isagoo faray in meel walba ay kula dagaallamaan.

Dhanka kale Taliyaha ururka 8aad guutada 18aad ee Gorgor Maxamed Cali Hilowle oo isna la hadlay ciidanka ayaa yiri:-waxaan rabaa guusha aad ku fadhisaan in aad difaacataan barriga gobolka Hiiraan, oo aad ka dhigtaan mid ka maran kooxda Al shabaab.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed