Calanka Khaatumo oo Laga Taagay Ceerigoobo iyo Rabshado Ka Dhacay.

Faah faahinno kale duwan ayaa ka soo baxaya rabahada xooggan oo ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kadib markii rasaas lagu furay gaari ay wadeen Ciidamo ka tirsan Somaliland sida la sheegay.

Arrinta ayaa isku beddeshay qalalaaso horleh, waxana isku dhac uu dhexmaray Ciidanka iyo dadka shacabka ah Xaaladda ayaana faraha ka baxday, dadka ayaa ku dhawaaqayay Erayo looga soo horjeedo Somaliland sida lagu faafiyay warbaahinta bulshda.

Rabshadaha ayaa dhaliyay  khasaaro kala duwan balse lama xaqiijin inta ay gaar-sii-santahay, waxana sido kale la arkayay iyada Calanka Khaatumo laga taagay qeybo kamid ah magaalada Ceerigoobo oo ay maamusho Somaliland.

Ciidanka Ammaanka Soomaaliland oo gaaray goobaha ay wax ka dhaceen ayaa kala eryay dadkii isku soo baxay kuwaas oo laga hor istaagay in ay sii wadaan Mudaharaadka, xaalada ayaa ku soo laabtay sidoo hore inkastoo ay jirto xiisad laga cabsi qabo in ay markale dhacdo.

Si kastaba ha ahaaytee,  rabshad lamid ah  kuwaan  ayaa ka dhacay Boorama oo todobaadkii iyada oo  laga taagay Calanka Soomaaliya, waxaana kasii horreysay Laascaanood oo arrinteeda isku beddashay dagaal toos ah oo u dhexeeyo milatariga Somaliland iyo ciidamada SSC.

HBN News Desk

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed