Cadur halis ah oo ka dilaacay magaalada Beledweyne isla markaana dila in ka badan 10 caruur ah kuwa kalana soo ritay

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dilaacay cudurka Daacuun caloolaha oo galaaftay nolosha 11 qof oo dhamaantood ahaa caruur, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka. Cudurkan oo sida ay xaqiijiyeen hay’adaha caafimaadka ayaa lagu soo waramayaa in uu la xiriiro ka dib markii dhawaan magaalada ay buux dhaafiyeen daadad ku soo rogmaday, islamarkaana xaafadaha ay la daalaa dhacayeen biyo wasaqeysan.

Isbitaalada magaalada Baledweyne ayaa xiligan waxaa jiifa caruur uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, iyadoo dhaqaatiirta caafimaadka ay ka shaqeynayaan wax ka qabashada xaaladooda caafimaad. Dhakhaatiirta goobta ku sugan ayaa cudurkan u sababeeyay dadka deegaanka oo dib ugu soo laabtay guryahoodii fatahaada ka dib, taasoo keentay inay soo galaan biyaha wasakhaysan.

Deegaannada ay sida daran u saameeyeen fatahaadaha oo kala ah Buundaweyn, Kooshin, iyo Xaawo Taako, ayaa hadda la daalaa dhacaya cawaaqib xumada ka dhalan karta cudurka ka dhasha biyaha. Xataa iyadoo ay socdaan dadaallo lagu xakameynayo cudurka dillaacay, xaafado gaar ah ayaa weli go’doonsan biyaha fatahaadda ah oo yeeshay middabo doorsoomay, taasoo qeyb weyn ka qaadatay faafitaanka cudurka.

Xaaladda ayaa weli ah mid halis ah iyadoo maamulka caafimaadka iyo dadaallada gargaarku ay is abaabulayaan si ay u bixiyaan daryeel caafimaad, biyo nadiif ah, iyo taageero bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed