Cabsi xooggan oo soo food saartay dadka deggan deegaannada uu maro Wabiga Shabeelle

Gobolka Hiiraan ayaa laga dareemaya cabsi xooggan oo laga qabo in Wabiga Shabeelle uu sameeyo fatahaado culus, sidii horay u dhici jirtay, taas oo saameeyn ku yeelan karta dadka deggan guud ahaan deegaannada uu maro Wabiga.

Masuuliyiin ka tirsan gobolka ayaa sheegay in cabsi xooggan ay ka qabaan  in maalmaha soo socdo uu wabaigu sameeyo fatahaado maaaddaama uu haddda buux dhaafay, oo uu keenay biyo badan kaas oo si xowli ah ku socdo.

Dhawaan ayey aheyd markii hay’adda SODMA ay ka digtay in fatahaado iyo daad ka dhalan kara xillii roobaadka oo hadda Soomaaliya ka curtay, waxaa ay tilmaanta in dadku ay arrintaas ku baraarugaan sida ugu dhaqsiyaha badan, isla markaana loo diyaar garaboobo.

Xilli roobaadka Wabiga Shabeelle ayaa sameeyo fatahaado culus oo saameeyn adag oo dhanka nolosh ah ku yeesho deegaannada iuu ka maro Hiiraan iyo Shabeelled Dhexe.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed