Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo soo jeediyay hannaanka doorashada Puntland ee 2024.

Raiisal Wasaaarayaashii hore ee Soomaaliya, kana mid ah siyaasiyiinta culus ee ka soo hor-jeedo hannaanka dooraashada iyo wax ka beddelka dasatuurka Puntland ayaa soo jeediyay tala-bixin ku aadan nidaamka loo wajhayo doorashada Puntland ee 2024.

Waxaa ay ku baaqeen in l ilaaliyo midnimada iyo dimoqoraadiyadda Puntland ee soo jireenka aheyd, waxay soo bandhigeen in doorashada madaxweynaha maamulkaasi ay dhacdo 8 bisha January sannadka soo aadan 2024.

Cabdiweli Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ka dhawaajiyay in loo baa han-yahay in la badbaadiyo xasilinida siysadeed ee Puntland, tala ahaan waxay soo jeediyeen in qof walbe uu u tartami karo una furan tahay xilka madaxweynaha Puntland, halka Ururada siyaasadeed ee jiro ay sidooda ku noqdaan Xisbiyo u tartamaya  doorashada muddo 5 sanno ah.

Dhanka kale, waxay ku baqeen in aanan xilligaan la furin dastuurka Puntland lagana joojiyo in is beddel lagu sameyo, xukuumadda ayey ugu baaqeen in ay la timaado barnaamij siysaadeed oo qeexan oo lagu qabanayo doorashada Puntland ee sannadka soo aadan.

Ugu dambeyn waxaa ka hadleen arrinta SSC, iyaga oo soo jeediyay in doorashada Khaatumo looga dambeyo Isimmada dhaqanka ee maamulkaasi.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed