Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal cali Waraabe oo fariin ka soo saaray dagaalkii ciidamada Somaliland looga saaray Goojacadde

Hoggaamiyaasha mucaaradka Somaliland ayaa ka hadlay dagaalkii cuslaa ee shalay millateriga maamulkaas looga saaray duleedka magaalada Laascaanood, gaar ahaan taliskii ugu weynaa ee Goojacadde oo taniyo bishii labaad ee sannadkaan ay ku sugaanyeen ciidaamada dagaalka kula jiray kuwa deegaanka Laascaanood ee SSC-khaatumo.

Guddoomiyaha  Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo warbaahnta ka soo muuqday ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay midnimo iyo wadajir lagu taageeraayo ciidamada Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka dhawaajiyay in qoraalkii shalay ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee ka saabsanaa in ciidamadu ay Goojacadde kaga soo baxeen amar kaga yimid xukuumadda uusan noqon karin jawaab lagu qanco, isla markaana loo baahan yahay in war kaas ka duwan oo lagu qanci karo loo soo gudbiyo shacabaka.

Faysal Cali Waraabe ayaa asna soo saaray baaq lamid ah kan Cirro, waxaa uu hoosta ka xariiqay in ixilligaan laga gudbo arrimaah siyaasadda ee xoogga la saaro difaaca calanka, iyada oo meel la iska dhigayo mamaulka xun, waa sida uu hadalkiisa ku yiri.

Faysal ayaa sidoo kale shacabka Somaliland guud ahaan ugu baaqay in la ilaaliyo midnimada, asiga oo fariin gaar ah u diray ciidamada maamulkaas oo ay sheegay in ay difaacaan xukuumadda, kana fogaadaan khilaaf kale.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaa  Cirro, iyo Musharaxa kale Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa fariintan siyaabo kala duwan u soo saaray kadib dagaalkii ugu adkaa ee shalay Goojacadde looga saaray millateriga Somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed