Caaqilka dagaal ee Liibiya Khalifa Haftar,oo dagaal ku hanjabay.

Caaqilka dagaal ee dalka Liibiya Jeneral Khalifa Haftar, ayaa digniin uu soo saaray wuxuu ku sheegay in ciidankiisu bilaabi doonaan dagaal haddii aan si siman loo qaybsan dhaqaalaha ka soo baxa shidaalka Liibiya.

Khalifa Haftar, ayaa sheegay in ugu dambeyn bisha August dhammaadka haddii aan xal looga gaarin arrinkaasi in ciidamada uu u xaqiijiyay inay qaadaan dagaal.

Osama Hammad, oo hoggaamiyaha xukuumadda bariga Liibiya, oo ka cabanayay inaan si caddaalad ah loo qaybsan dakhliga shidaalka Liibiya ayaa ku baaqay in lala wareego dhaqaalaha ay maamulaan dawlada ay iska horjeedaan ee ka taliya dhanka Galbeedka.

Dakhliga ka soo xarooda shidaalka Liibiya oo ah isha dhaqaale ee ugu way nee dalkaasi ayaa waxaa maamulka Shirkadda Shidaalka Qaranka (NCO) iyo Bangiga Dhexe ee Liibiya waxaana xaruntoodu tahay magaalada Tripoli halkaasi oo ay deggan tahay dawlada Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee uu hoggaamiyo Abdel Hamid Al-Dbeibeh.

Haftar ayaa ku sheegay khudbad laga sii daayay taleefishinka Libya Al-Hadath, in dadka Libya ay dalbanayaan in la sameeyo guddi sare si loo jaangooyo qaybsiga dhaqaalaha iyada oo loo eegayo in si cadaalad ah loo maareeyo hantida dadweynaha, waxaana uu u qabtay in guddigan la soo dhameystiro ugu dambeyn bisha August.

Warqabadka HBN Online

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed