Burcad badeeda Soomaalid oo looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin Xuutiyiinta dalka Yemen kaddib afduub loo geystay maraakiib

Markab ka babanaya calanka Malta oo ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah ayaa ku wajahan dalka Yemen, taasoo keentay cabsida laga qabo in burcad badeeda Soomaalida ay gacan saar la leeyihiin Xuutiyiinta.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Ruen ayaa ka soo ambabaxay dalka Singapore kuna sii jeeday magaalada Gemlik ee dalka Turkiga, waxaana la sheegay in burcad badeedu ay qafaasheen maalintii Khamiista ee la soo dhaafay badda Carabta.

Markabkan oo ay saarnaayeen 18-shaqaale ah, ayaa waxaa la sheegay in markii ugu dambeysay lagu arkay Xeebaha Waqooyi Bari ee Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay dabagal dhawaan lagu sameeyay markabka Ruen, ayaa la ogaaday in uu ku sii jeeday waqooyiga Bab-el-Mandeb ee badda cas.

Khubarada dhanka baddaha ah ayaa ka cabsi qaba in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay gacan saar la leeyihiin kooxaha Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen, kuwaasi oo muddooyinkii dambe bartilmaameedsanayay maraakiibta shisheeye.

19-kii Nofembar, fallaagada Xuutiyiinta oo isticmaalaya diyaarad helikobter ah, ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday markab xamuul oo laga leeyahay dalka Japan, MV Galaxy, oo ku soo xirtay meel u dhow dekedda Xudeydah ee badda cas ee dalka Yemen.

Dhowr shirkadood oo maraakiib ah, oo ay ku jiraan Hapag-Lloyd ee Jarmalka iyo Maersk ee Denmark, ayaa sheegay inay joojinayaan hawlaha maraakiibta ee Badda Cas ilaa amar dambe, iyagoo sabab uga dhigaya bartilmaameedka maraakiibta ganacsiga ee mara badda cas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed