Bulshooyinka Beeraleyda ah oo daadadku ay baabi’iyeen dalagyadii u diyaarsanaa soo goynta

Daadad xooggan oo ka dhashay fatahaadda Wabiga Shabeelle, ayaa dhibaato xooggan ka geystay magaalooyinka Buula-mareer iyo Gol-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo hoos taga maamulka Koonfur Galbeed. Saamayntan ayaa si gaar ah u saamaysay dhul-beereed aad u ballaadhan, sida laga soo xigtay sawirro muujinaya goobo ballaadhan oo ay biyuhu ku qariyeen.

Dhul-beereedkii dalagyadii ku yaalay, isla markaana ay ka soo go’i lahaayeen, ayaa hadda waxaa buux dhaafiyay biyo aad u fara badan, taasi oo muujinaysa xaalad adag oo soo wajahday beeralayda deegaanka. Sawiradu waxay ka tarjumayaan saamaynta degdega ah ee hab-nololeedyada kuwa ku tiirsana hawlahan beeraha ee gobolka, waxana ay wajahayaan nolol adag maaddaama dalagyadii soo go’i lahaa ay bihi xaabiyeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamullada Buulo-mareer iyo Gol-weyn ayaa ka warbixiyay xaaladda beeralayda oo ay sheegeen in ay tahay mid caqabad ku ah beeraleyda, iyagoo ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in si weyn looga fiirsado dadka dhibaateysan. Fatahaadda webiga Shabeelle ayaa sababtay barakac xooggan, iyadoo qoysaskii degganaa meel u dhow wabiga ay barakaceen, balse beerihii ayuu saameyay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed