Boqolaal qof oo lagu soo waramayaa inay ku dhinteen iska horimaadyo rabshado wata oo ka dhacay galbeedka Suudaan

Gobolka Galbeedka Darfur ee galbeedka Suudaan ayaa waxaa ka dhacay iska horimaadyo rabshado wata, waxaana la sheegay in boqolaal qof lagu dilay, laguna xad-gudbay xuquuqul insaanka, sida lagu sheegay warbixinno ay sii daayeen hay’ado caalami ah iyo kuwo maxalli ah.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ilaa 700 oo qof lagu soo waramayo in ay ku dhinteen, 100 kalena ay ku dhaawacmeen, 300 oo kalena la la’yahay gobolka Galbeedka ee Darfur, ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF) iyo xoogaga taageera degdega ah (RSF).

Warar kale ayaa sheegaya in tirooyin kala duwan oo dhimasho ah ay ka dhaceen gobolka Suudaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed