Boqolaal ciidamo cuub oo loo diyaariyay dagaalka Al shabaab oo lagu soo bandhigay Galmudug

Boqolaal ciidamada deegaanka ah,  oo loo diyaariyay dagaalka wajiga labaad  Al shabaab ayaa maanta lagu soo bandhigay Galmudug, ciidankaan ayaa watay saannad ciidan oo dhammeystiran.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo Galmudug ayaa goob joog ka ahaay madasha lagu soo bandhigay ciidanka, kuwaas oo ka jeediyay khubada ku saabsanaa sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalka Al shabaab looga xorreyano deegannada ay kaga sugan yihiin maamulkaas.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in la diyaariyay bilihii la soo dhaafay, oo laga soo xulay bulshada deggan Galmudug, waxana lagu wareejiayy saannad ciidan.

Ciidamadaan deegaanka ee maanta la soo bandhigay, ayaa ku soo beegmaya iyada oo sidaan oo kale toddobaadkii hore, ciidamo kuwaan oo kale ah lagu soo bandhigay isla goobtaas.

Dhankale maalmihii la soo dhaafay Xillibaanno, Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya  iyo odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa wadday abaabul ciidan oo ah kuwa deegaanka, sidoo kale waxay kulamo la qaateen madaxweynaha Soomaaliya oo Galmudug u jooogo in uu kaga dhawaaqo dagaalka wajiga labaad ee Al shabaab.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed