Boqolaal ciidamo ah oo lagu soo bandhigay gobolka Mudug iyo faah faahin dheeraad ah oo laga bixiyay

Ciidamo loo diyaarayay dagaalka ka dhan ah kooxda Al shabaab ayaa lagu soo bandhigaya magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, kuwaas oo dhawaan lagu qalabeyay gobolkaas.

Ciidaankan ayaa ah kuwa deegaanka oo lagu xoojiyay kuwa dowladda Soomaaliya ee dulaanka ka wado guud ahaan dalka, ciidamada ayaa ku biiraya kuwii hore ee isku dhafka ahay ee ku sugnaa deegaannada maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sheegeen in ciidankan loo yaqaan Macawsleyda ay diyaar u yihiin in ururka Al shabaab ay ka xorreyaan deegaannada ay ka heystaan maamulka Galmudug, oo la filayo in dhawaan ay ka bilaawdaan howlgallo culus isla markaana ay sii laba jibaaran howlgallada.

Si kastaba, muddooyinkii la soo dhaafay deegaannada maamulka Galmudug waxaa ka socday howlgallo culus oo Al shabaab looga saaray deegaanno muhiim ah ee ku yaal Galgaduud iyo Mudug, iyada oo qorshuhu yahay in deegaannada howdka ah ee kooxdu ku dhuumaaleysaneso  laga fara maroojiyo sida ay horay u sheegeen saraakiisha hoggaamineyso howlgallada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed