Booliska Uganda oo ka hortagay weerar bambaano oo lagu qaaday kaniisad

Booliiska dalka Uganda ayaa s ku dhawaaqay in ay fashiliyeen weerar bambaano oo lala damacsanaa kaniisad Pentecostal oo ku taal caasimadda dalkaasi.

Waxa ay sheegeen in ay qabteen nin 28 jir ah oo isku dayay in uu gudaha u galo xarunta oo lagu magaacabo Miracle Cathedral ee magaalada Kampala, isagoo boorsadiisa ku sitay walxaha qarxa.

Afhayeenka booliiska Patrick Onyango ayaa warbaahinta u sheegay in ninka la dilay magaciisa lagu sheegay Ibrahim Kintu, waxa uuna qirtay in seddexda nin ay la socotay sidoo kale loo diray howlo lamid ah kaniisado kale.

Onyango waxa uu sheegay in maalmo ka hor ay Boliska heleen xog ku saabsan in Argagixisadu ay doonayeen inay qaraxyo ku xiraan Kaniisadaha qaar, isla markaana ay galeen feejignaan, iyaga oo bilaabeen inay hubiyaan qof kasta oo soo galaya goobaha cibaadada.

Bishii Luulyo 11, 2010, rag ayaa ku qaxrxiyay walxaha qarxa, halkaas oo ay ku dileen 74 taageere kubbadda cagta ah oo talefishinnada ka daawanayay ciyaartii finalka ee Koobka Adduunka.

Noofambar 16, 2021, saddex qof ayaa ku dhintay 33 kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo ismiidaamin ah oo ka dhacay Kampala.

Daacish iyo ISIS ayaa sheegatay mas’uuliyadda labadaas dhacdo, iyagoo sheegay inay aargoosi u ahaayeen Uganda oo ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya kuwaas oo taageeraya ciidamada dowladda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed