Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay nin looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay dilka ka dhacay magaalada Nairobi

Booliska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay nin baxsad ah oo lagu tuhunsan yahay inuu Maxamed Xasan ku dilay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaasoo magaciisa lagu sheegayAxmed C/raxmaan C/llaahi, kaasi oo lagu eedeeyay

Booliska ayaa in eedeysanaha la qabtay kadib markii ay heleen xog ku aadan inuu ka soo baxsaday dalka Kenya oo uu gudaha u galay. Booliiska ayaa ballan qaaday  in uu wajahayo cadaaladda.

Maxkamadaha dalka ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa ay xukuno iyo dil toogasho ah ku fuliyeen dad lagu soo eedeeyay dilal,kuwaasi oo ay ugu horeeyaan ciidamada dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha Boliska dalkaasi ma aysan carabaabin in wada-shaqeyn dhexmartay Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay kaalin ku leedahay soo qabashada eedeysanaha, inkastoo uu iminka xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo labada Dowladood.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed