Booliska Puntland oo baaritaanno dheeraah ku wado qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Garowe

Booliska Puntland ayaa ku howlan baaritaana ku haya dhacdo ka dhacday Garoowe oo saddex carruur ah ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay rasaas..

Warbixinta booliska ayaa tilmaamaysa in caruurtu ay ku lug lahaayeen ku ciyaarista rasaasta ay keentay qaraxa lama filaanka ah. Laamaha baarista miinada ee gobolka Nugaal ayaa wada baaritaano dheeri ah oo ay ku baadigoobayaan dhacdadan ilaa shalay, kuwaas oo ilaa hadda wax natiijo ah soo saarin, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan hey’adaha ammaanka.

Saddexda carruur ah ee dhaawacantay kuwaas oo wili  isbitaalka guud ee magaalada Garoowe, waxaana la sheegay in qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo halis ah. Shaqaalaha caafimaadku waxay bixinayaan daryeel muhiim ah inta ay mas’uuliyiintu ka shaqaynayaan inay fahmaan duruufaha ku xeeran dhacdada.

Dhacdadan ayaa daba socota dagaal horay uga dhacay magaalada Garoowe bishii June, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo dhexmaray ciidamada iska soo horjeeda ka dhisan Puntland. Goobta uu falkaan ka dhacay ayaa ah goob ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo shaqsiyaadka la safan ee kasoo horjeeda.

Iyadoo baaritaanada ay socdaan, maamulka Puntland ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay badbaadada hubka iyo ka warqabka, gaar ahaan khatarta ka dhalan karta carruurta. Waxay ku booriyeen dadweynaha inay ka digtoonaadaan oo ay soo sheegaan si wax looga qabto ama dhacdo la xiriirta hubka si looga hortago dhacdooyinka nasiib darada ah ee mustaqbalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed