Booliska Puntland gacanta ku dhigay ku dhawaad 80 qof oo lala xiriirinayo kufsi iyo dil loo geystay wiil 11 jir ah

Ciidamada Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay 75 qof oo lala xiriirinayo kufsi iyo dil magaalada Gaalkacyo loogu geystay wiil 11 jir ah.

Taliyaha Booliska Samatar Cabdullaahi Awkax, ayaa sheegay in shilkan naxdinta leh uu ka dhacay xero barakacayaal, oo ay degan yihiin qoyska dhibbanaha. Sarkaalka ayaa ku nuux nuuxsaday in qof walba oo ka agdhawaa goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay la xiray, waxa uuna wacad ku maray in dambiilayaasha ay wajihi doonaan cadaalad maadaama ay baaritaano socdaan.

Wararka ayaa sheegaya in Hay’adda Puntland u qaabilsan baaritaanka DNA-da la filayo in saacadaha soo socda ay soo saarto natiijada ku aaddan baaritaankeeda.

Kiiska la xiriira tan iyo 2020, gobolka Puntland ee waqooyi bari Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fuliyay labo nin oo lagu kala magacaabo Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame oo 24 jir ah iyo Cabdishakuur Maxamed Dige oo 46 jir ah, kuwaas oo kufsi iyo si xun u dilay Caa’isha Ilyaas Aadan oo 12 jir ahayd.

Gabadhan ayaa laga afduubtay meel u dhow gurigeeda, waxaana loo geystay kufsi wadareed, waxaana si naxdin leh loogu dilay magaalada Gaalkacyo bishii February 2019, labadan nin ayaa lagu toogtay gudaha magaalada Boosaaso.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed