Booliiska Soomaaliya oo Gacant Ku Dhigay Nin Tooreey ku Weeraray Nin Kale.

Ciidamadda Booliiska Soomaaliya ayaa howgallo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ku soo qabtay Nin ku eedeysan in weerar tooreey ah uu ku qaaday nin kale Caasimadda dalka.

Howlgalkaan waxaa Fuliyay Ciidanka Booliiska Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, waxana lagu soo qabtay eedeysane  Lagu magacaabo Cabdi Maxamed  Khaliif, kaas oo ku eedeysan in uu toorey ku dhuftay Maxamed Cabdullaahi Sheekh.

Eedeysanahaan ayey Ciidanka Booliiska waxaa ay sheegeen ah Caddaaladda hor geyn donaan, kaas oo ay gacanta ku dhigeen asiga oo ku dhuumaleysanaya degmada Waabari.

Faah faahin dheeraad ah lagama bixin Sababta ka dambeeysay in Eedeysanahaan uu toorey u adeegsado dhibbanaha, falkaan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed