Booliiska Soomaaliya oo faah fahain dheeraad ah ka bixiyay khasaarihii ka dhashay qaraxii saakay lagu qaaday xero ciidan oo ku taal duleedka Muqdisho

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliya, Sadiiq Doodishe, ayaa faah faahin ka bixiyay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimashada 6 ruux iyo dhaawaca 9 kale oo ka dhacay xero ciidan oo ku taal Ceelasha Biyaha.

Kooxda a ee Al-Shabaab ayaa gaari ka soo buuxiyey walxaha qarxa oo ay la tageen xero ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaa ay ku dileen lix qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen ciidamada nabad sugidda iyo labo kale oo rayid ah, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen oo shan ka mid ah ay ahaayeen ciidamada nabadsugidda afar kale oo rayid ah oo ku sugnaa agagaarka deegaanka, oo ah goobta la weeraray

Qaraxa ayaa sidoo kale geystay burbur hantiyeed oo ay ku jiraan guryo ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay, sida ay muujinayaan muuqaalada iyo sawirada laga soo qaaday.

Afhayeenka ayaa yiri “Waxaa xusid mudan in gaarigan uu ahaa gaarigii shanaad ee ay kooxaha argagixisadu ku soo xirteen walxaha qarxa, oo ay isku dayeen inay gudaha u soo galaan caasimadda, balse ay ciidamadu ku guuleysteen inay ka hortagaan dhibaatooyinka ay bulshada u geysanayaan”.

Ciidamada ayaa la sheegay inay gaadiid  ku soo qabteen xaafado ka tirsan degmooyinka Daarsalaam, Deyniile, Wardhiigley, Kaxda, iyada oo kii  saaka aroortii ee degaanka  Ceelasha Biyaha oo ahaa mid la doonayay in uu soo galo caasimadda balse uu ku fashilmay, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed