Booliiska Somaliland oo ka digay bannaanbaxyo qorsheysan oo lagu waddo in ay dhacaan berri

Booliiska Somaliland ayaa ka digay bannaanbax la sheegay in uu dhigayo  mid kamid ah xisbiyada mucaraadka maamulkaasi. Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa ayey ku mamnuuceen in wax bannaanbax aysan dhici karin, berri oo Jimco ah sida ay u sheegeen warbaahinta.

Xisbiga Waddani ayaa ku howlan in ay berri qabtaan bannaanbax xooggan oo ay ku diidan yihiin hannaanka doorashada Somaliland oo khilaaf adag uu ka taagan yahay.

Booliiska ayaa sheegay in bannaanbaxaas uu yahay mid sharci darro ah, waxayna intaas raaciyeen in aysan aqbali doonin in mudaharaadyo ay ka dhacaan Somaliland, iyaga oo ka digay in magaalooyinka maamulkaasi ay dhacaan wax bannaanbax ah.

Bannaanbaxaan ayaa ku soo aaddaya, sannad guuradii ka soo wareegtay, mrkii xisbiyada mucaaraadka ay sameeyeen 11, August, 2022, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed