Booliiska Gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay hawaneey Tooreey ku dishay labo dumar ah

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir, gaar ahaan Saldhiga Degmada Kaaraan, oo howlgalo xoogan ka sameeyay deegaanka Gubadley, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen haweeney shalay maqribkii toorey ku dishay laba haween ah.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu yiri “11/11/2023 abaare 06:15 PM waxaa howlgal ay sameeyeen ciidamada nabad sugidda gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa saldhiga degmada Kaaraan lagu soo qabtay eedaysane loo haysto inay dishay laba qof dumar ah”.

Wararka ka imaanaya gobolka Banaadir ayaa sheegaya in haweeneyda dilka geysatay ay u adeegsatay toorey, waxaana ay sheegeen in baaritaan uu ku socdo, maadaama sharciga la horgeyn doono.

Warka ka soo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir, si rasmi ah looguma sheegin Magaca Eedeysanayaasha iyo Marxuumiinta lagu dilay deegaanka Gubadley ee duleedka  Gobolka Banaadir.

Haweeneyda dilka geysatay ayaa la sheegay in guriga ay kula nooleyd labada haween ee ay dishay, waxaana la sheegay in kahor inta aysan dilin uu muran soo kala dhex galay, kaasi oo markii dambe sababay in la dilo labadaasi haween.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed