Beesha Caalamka oo War-saxaafaddeed kasoo saartay dagaaalkii Laascaanood baaqna u dirtay labada dhinac

Beesha caalamka ayaa war ka soo saartay dagaalkii jimcihii ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood kaas oo dhexmaray ciidamada millateriga Somaaliland iyo ciidamada SSC-khaatumo, isla markaana dhaliyay khasaaro xooggan oo soo gaaray dhinaca Somalialnd.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaya beesha caalamka.

Sidoo kale isla bayanka ay soo saartay beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah. Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo. Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah, waxaana aan filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka”.

Saaxiibada beesha caalamka ayaa xusay in loo ogolaado in gargaar bini aadanimo la gaarsiiyo dadka u baahan, lagana fogaado carqalad kaste oo hab-saamin karta helida in loo gurmado dadkaas, sidoo kale waxay sheegeen in wax walbe lagu xaliyo wadahadal.

“Waxaan ku celinaynaa muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo helidda gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh ee wax kala qaybiya. Dhammaan cabashooyinka iyo xiisadaha waa in lagu xalliyaa si nabad ah oo wadahadal ah.” ayey tiri beesha caalamka.

Hadalkaan ayaaa ku soo beegmaya kadib markii  maalin ka hor ciidamada Somaliland laga saaray taliskii Goojecadde ee duleedka Laascaanood, xilli madaxwenaha Somaliland uu sheegay in ay qaadi doonaan tallaabo adag.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed