Beesha Caalamka oo ka hadashay khilaafka arrimaha doorashooyinka Puntland

Saaxiibada caalamiga ah  waxa ay ka walaacsan yihiin halista xiisado badan oo ay ka mid yihiin abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa ah mid cabsi gelinaya dadka shacabka ah, waxaana taasi ay keentay in iskuulada la xiro.

“Ma jirto wax cudurdaar ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaadaha xooggan. Cabashada waa in si nabad ah oo wada hadal lagu dhammeeyaa. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen.

Saaxiibada caalamku waxay weli ka go’an tahay inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ka taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad ah ayey raaciyeen bayaanka.

Saaxibada caalamiga ah ayaa ugu baaqay in si deg deg ah  loo dhammeyo khilaafka muddada soo jiitamayay ee ku aadan arrimaha doorashooyinka maamulka Puntland, sidoo kale waxa hoosta ka xariiqeen in  ay yeeshaan wadahadalo hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed