Beesha caalamka oo fariin cad u dirtay Somaliland & dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascaanood

Qoraal Ka soo baxay Wakiilada beesha caalamaka ayaa loogu baaqay dhinacayada ku dagaalamaya magalaada Laascaanood in ay joojiyaan dirirya bilaa shuruud una hoggaansamaan baaqyada Caalamiga ah.

Bayaan oo ay soo saareen waddamada kala ah Canada, Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Türkiye, United Kingdom, iyo Mareykanka, waxaa ay hoosta ka xariiqeen in la kala qaado Ciidanka guud ahaan lana geeyo goobaha lagu hishiiyay.

Dawlada Ingiriiska oo qayb ka ahayd dalalka soo saaray bayaanka yaa fariin lagu qoray safaarada UK ee Soomaaliya waxaa lagu sheegay in beesha caalamu ka dalbanayaan madaxweynaha Soomaaliya inuu xaqiijiyo si shuruud la’aan ah oo deg deg ah in joojinta coalada isla markaana la kala qaado ciidamada lana geeyo goobaha lagu heshiiyey.

Wakiilada ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaan dadaallada iyo hindisaha wada-hadalka maxalliga ah iyo kuwa gobolkuba si loo xaqiijiyo xabbad-joojin iyo fududaynta wadahadal mira-dhala.

Dhinacyada ugu waaweyn ee ku dagaalama Gobolka Sool ayaa marar badan iyo si cad u ballan qaaday xabbad-joojin iyo wada-hadal, balse weli ma aysan fulin ballan-qaadyadaas, Waxana wili taagan Xisad dagaal iyo Dhiilo Colaadeed.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed