Barakacayaal Ka Cararay Dagaalada Laas-caanood oo Deeq Raashin ah La Gaarsiiyay.

Gudigga Gurmadka ee loo aas aasay  dadka ay saameysay Colaada magaalada Laascaanood ee dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gaarsiisay deeq raashin ah qoysaska ku sugan Qardho ee k soo cararay dagaalada Laascaanood.

Deeqdaan ayaa isugu jirtay noocyada kala duwan ee raashinka aasaasiga, sida Bariis,Bur, Sonkor, Tmir iyo Waxyaabo kale.

Sheekh Fuaad Maxamuud Xaaji oo kamid ah gudigga gurmadka dadka Laascaanood ayaa ku baaqayna in Reer Laascaanood loo soo gurmado.

Dhanka kale Waxaa jiraan Barakacayaal kale, oo iyagana  gaaray gudaha dalka Itoobiya kuwaas oo gaaraya in ka badan 100-kun oo qof Sida ay baahisay Qaramada Midoobay.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed