Barakac ballaaran oo ka bilaawday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan

Barakac ballaaran oo ay sameynayaan qoysas badan ayaa ka barakacay guryahooda oo ku yaalla duleedka magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay sii kordheen walaaca laga qabo fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle. Xaafadaha Xaawo Takako, Buundaweyne, iyo Kooshin ayaa waxa ka bilaawday barakaca ugu badnaa, iyadoo dadkii deganaa ay u guureen meelo ka baxsan webiga.

Kor u kaca heerka biyaha wabiga Shabeelle ayaa loo aaneynayaa roobab mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada Baledweyne iyo deegaanada hoos yimaada. Waxaa xusid mudan in muddo shan bilood ah laga joogo markii ugu dambeysay ee uu fatahaad ka geystay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Haddaba, bulshada ku dhaqan xaafadahaas ayaa la daalaa dhacaysa xaqiiqada dhabta ah ee  ku aaddan fahaadaha kuwaas oo maciin biday in ka cararaan guryahooda.

Barakacayaashan ayaa intooda badan waxa ay gabaad ka dhigtaan xaafadda Ceel Jaalle ee duleedka magaalada Baledweyne iyo deegaanada kale ee ka baxsan wabiga Shabeelle. Maamulka deegaanka iyo Hay’adaha Samafalka ayaa si dhow ula socda xaaladda, waxaana ay ku dadaalayaan sidii ay u taakuleyn lahaayeen dadka dhibaateysan, iyagoo ku dadaalaya sidii loo dhimi lahaa dhibaatooyinka kale ee fatahaadaha ay ku hayaan dadka reer Baledweyne.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed