Bannaanbaxyo iska horjeedo oo ka dhacay magaalada Burco xilli beelaha dago Somaliland si weyn kaga soo horjeesteen hishiiskii Itoobiya

Mudaaharaad ay muujinayeen sida ay uga xun yihiin, ayaa shacabka reer Burco isugu soo baxeen bannaanbax ay kaga soo horjeedaan heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland, waxayna ku tilmaameen mid sharci darro ah oo meel ka dhac ku ah qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa ka dhashay caro dadweyne, iyadoo dibad baxayaasha ay ka dhiidhiyeen wax ay u arkeen in lagu xad-gudbay xuquuqda Soomaaliya. Bannaanbaxayaasha oo sitay boorar iyo halku dhigyo ay ku muujinayaan dareenkooda ku aaddan xad-gudubka lau sameeay qarannimada Soomaaliya.

Heshiiskii dhinaca badda ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland ayaa noqday qodob la isku mari la’yahay, taasoo dhalisay doodo baahsan oo la xiriira saamaynta uu ku yeelan karo hawlaha gobolka.

Mudaharaadkan ka dhacay magaalada Burco ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga soo horjeedaan heshiiskaasi, taasoo muujinaysa sida ay arrintani u saamaysay beelaha deegaanka. Halka kuwa kale oo lagu taageerayo go’aanka hishiiska ay ka dhaceen, isla magaalada Burco ay hoggaaminayeen maamulka magaalada. Dadka ayaa watay calanka Somaliland, waxayn ku dhawaaqeen erayo lagu soo dhaweynayay hishiiskii Biixi iyo Abiy Axmed.

Dowladda Soomaaliya oo markii horeba isku khilaafay Itoobiya ayaa aragtideeda ka dhiibtay iyadoo shacabka deegaanka ay si weyn u muujiyeen diidmadooda. Xaaladdu waxa ay ku soo kordhisay hawlo dublamaasiyadeed oo aad u cakiran, taas oo keentay in heshiiska badda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland uu hormood ka noqdo doodda shacabka.

Beesha Ciise oo kamid ah beelaha dego Somaliland gaar dhanka gobolka Awdal ayaa diiday, kana horyimid hishiiskii ka dhacay dagaalka Itoobiya, isla markaana waxay eed culus u jeediyeen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo hoosta xariiqay in aysan aqbali doonin hishiiskii Adis Ababa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed