Bannaanbaxayaal qaarkood hubeysnaayeen oo maanta iskugu soo baxay gobolka isla markaana sheegay in ay dagaal la galayaan Itoobiya

Dadweynaha ku dhaqan magaalooyin  ee ka tirsan gobolka Awdal, ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalooyinkaas, kuwaas oo diidanaa hishiiski Badda ee Adis Ababa, iyagoo ka cabanaya heshiiskii ay dhawaan kala saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland. Bannaanbaxyadan , ayaa waxay ku qeylinayeen hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin “Baddeenna iib ma ahan,” isla markaana ka turjumaya sida ay u diidan yihiin damaca Itoobiya ee Badda Cas, magaalada Boorame ayaa boqolaal ruux iskugu soo bexeen, kuwaas oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Itoobiya.

Magaalada Lughaye ee gobolka Awdal ayaa waxaa ka dhacay bannaanbax ka duwanaa kuwii hore. Bannaanbaxayaashaan ayaa qaarkood hubeysnaa waxayna sheegeen in ay dagaal diyaar u yihiin haddii Itoobiya ay imaato gobolka Awdal, gaar ahaan degmada Lughaye oo ah halka loo qorsheeyay in saldhigg millateri ay ku yeesheen ciidanka badda ee Adis Ababa.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Maydhane oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeedo gobolka Awadal, kuna matala Golaha Wakiilada Somaliland  oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka ay degmada  Lughaya laguu wareejinayo Itoobiya.

Heshiiskii 1-dii Janaayo ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa walaac ka muujiyay xiisadaha sii kordhaya iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Shalay ayey markii Magaalada Burco ka dhaceen Mudaaharaad looga soo horjeedo Dowladda Itoobiya, waxaana maanta magaalada Boorame ka dhacay Mudaaharaad ka culus kuwii shalay, inkastoo kuwa lagu taageerayo hishiiska ay ka dhaceen magaalooyin ku yaal somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed