Bannaanbax lagu taageerayo arrimaha wax ka beddelka dastuurka oo ka socda magaalada Muqdisho

Kulan ballaaran oo lagu taageerayo wax ka bedelka dastuurka ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho, kaasi oo muujinaya in si weyn loo taageersan yahay hindisaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan dib u eegista Dastuurka dalka.

Banaanbaxa oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, madax, iyo dadweyne.

Ujeedka Banaanbaxan ayaa ah mid lagu muujinayo midnimada qorshaha wax ka bedelka Dastuurka uu hogaamineyso dowladda hqadda jirta.

Ammaanka magaalada Muqdisho oo aad loo adkeeyay awgeed, waxaa la xiray waddooyinka halbawlaha u ah bannaanbaxa Daljirka Dahsoon, si loo sugo ammaanka ka qaybgalayaasha, isla markaana la sugo ammaanka.

Inta uu socdo banaanbaxa ayaa madaxda iyo mas’uuliyiinta waxa ay jeedin doonaan khudbado muujinaya muhiimada uu leeyahay wax ka bedelka dastuurka iyo saameynta uu ku yeelan karo mustaqbalka dalka.

Mudaaharaadka oo sii socda ayaa waxaa weli isha lagu hayaa isbedelada ku xeeran hannaanka wax ka bedelka dastuurka, iyadoo la filayo in natiijada shirka ay dib u soo cusboonaato iyo saameynta uu ku yeelan karo siyaasadda Soomaaliya xitaa iyadoo ay jiraan labo madaxweyne oo hore iyo xildhibaano tiro badan ka soo horjeesteen habka wax ka beddelka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed