Bannaanbax ka dhan ah Al shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Bannaanbax xooggan oo lagu taageerayo dagaalka dowladda ee ka dhan ka ah jiritaanka  Al shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan Galmudug, bannaanbaxaan ayaa waxaa uu ahay mid ay ka qeyb galeeen  boqolaal qof oo isku soo baxay.

Shacabka ku dhaqan magaalada Baxdo ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa  qabtay banaanbax ay ku taageerayaan howlgalada lagu xoraynayo degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka oo ay wali gacanta ku hayaan kooxda Al shabaab, dadka dhigayay bannaanbaxa ayaa adeegsanayay erayo ka dhan ah ururka Al shabaab.

Baxdo waa magaalo ku taalla gobolka Galgaduud, dhinaca koonfur-bari ayay qiyaastii 90 km ka xigtaa degmada Cadaado ee gobolkaas, waxana laga saaray Al shabaab howlgalladii dhacay wajiga kowaad, dadka deegaanka ayaa iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dagaal culus uga saaray Dagaalyahannada kooxda oo muddo fog gacanta ku hayay.

HBN NES DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed