Bannaanbax aanan caadi aheyn oo maanta si weyn uga dhacay magaalada Muqdisaho iyo masuuliyiin ka qeybgalay

Bannaanbax aan caadi aheyn ayaa maanta ka dhacay magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaas oo looga soo horjeeday damaca Itoobiya ee biyaha dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya, isku soo baxa ayaa waxaa ka soo qeybgalay kumanaan ruux, oo iskugu yimid goobaha caanka ah ee caasimadda oo ay ugu horreyaan Daljirka Daahsoon iyo KM4, dadka ayaa watay boorar iyo astaamo ka turjumaya diidamada ka dhan ah hishiiskii Itoobiya iyo Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ku xigeenkiisa, Saalax Axmed Jaamac, wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Macalin Fiqi, masuuliyiin kale, iyo saraakiil ciidan  ayaa maanta oo Khamiis ah kala qeyb galay kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka 17-aad ee gobolka Banaadir, kuwaas oo dhigayay bannaanbax looga soo horjeedo tallaabada dowladda Itoobiya ee la xiriirta madaxbanaanida dhuleed iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha ayaa socod ku maray wadooyinka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho, laga soo bilaabo Kelimeter 4 ee wadada Maka-al-mukarama ilaa Daljirka Dahsoon  iyadoo mas’uuliyiinta heer federaal iyo heer maamul goboleed ay ka jeediyeen khudbado ka dhan ah waxa loogu yeero is-afgaradka (MoU) ee  Somaliland iyo Itoobiya oo Addis Ababa ku kulmaya January 1st, 2024

“Badeena iib ma ahan, Itoobiya waa in ay joojisaa gardarada ay ku heyso dhulkeena iyo baddeena, Soomaaliya waxaa leh Soomaaliya”, dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay ereyadan iyagoo watay boorar ay ku qoran yihiin Soomaali, English iyo Carabi.

Mudaharaad noocan oo kale ah ayaa ka dhacay magaalooyinka Hargeysa,Burco,Borama ee hoos yimaada maamulka Somaliland iyo Muqdisho,waxana ay martigelinaysaa mudaaharaad markii labaad tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii xasaasiga ahaa ee is-afgaradka,iyado 20 KM oo dhinaca badda ah oo dooneyso  Itoobiya toddobaad ka hor.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed