Bannaan-baxyo Xooggan oo Ka Socda Boorama iyo Khasara Ka Dashay.

Bannaanbax xooggan ayaa ka bilaawday magaalada Boorame ee gobolka Awdal, waxana hareeraha Waddooyinka iskugu soo baxay boqolaal shacab kuwaas oo taageerayaal ku gubaya Waddooyinka waa weyn ee mara Bartamaha Magaalada.

Banaanbaxaan ayaa daba socda mid hore kadib markii  Askari lagu magacaabo Khadar Maxamed Caynaanshe oo ahaa taliye ku xigeenka Ciidamada Xeebaha Soomaaliland ee Awdal  uu  dilay Askari kale kaas oo shalay dil lagu xakumay.

Dadkaan Careysan ayaa dalbanaya in Ninkaas tiirka la geeyo laguna fuliyo dil-toogash, bannaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay hadalo caro leh oo ay ku muujinayaan in Maxkamadda Soomaaliland fuliso xukunkii shalay ay ku riday Askariga dilka geystay.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay bannaanbaxa balse Wararka aan helnay ayaa sheegaya in 3 ruux ay ku dhaawacmeen Kuwaas oo kamid ah dadkii muddahaaradka waday, wili Xaaladda ayaa kacsan.

Si kastaba Somaliland ayaa wajaheysaa xaalad adag oo dhanka shacabka ah, arrintaan ayaa imaaneysa iyada oo Magaalada Laascaanood ay horray banaanbaxyo sidaan oo kale ah uga dhacaan taas kadib isku beddeshay gacan ka hadal dad badan ay ku dhinteen.

HBN News Desk, Muqdisho 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed