Banaanbax lagaga soo horjeedo xariga Sheegow oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax lagaga soo horjeedo xariga Sheegow Axmed Cali oo ah sarkaal hore oo shalay ciidamada dawlada Soomaaliya xabsiga u taxaabeen ka dib markii sida Booliiska Soomaaliya ay sheegeen ciidamo ka amar qaata Sheegow ay la galeen dagaal khasaare dhaliyay ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxayaal ka caraysan xarigaasi ayaa saaka isugu soo baxay agagaaraha KM4 waxaana ay dalbanayeen in la siidaayo Sheegow Axmed oo ay ku sheegeen in si aan caddaalad ahayn loo xiran isla markaana loola dhaqmay si aan “xushmad” lahayn.

Dibadbaxayaasha ayaa muddo kooban xiray waddada, waxaase markii dambe rasaas ku kala eryay ciidamada amaanka, lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastii ciidanku rideen.

Dibadbax kale ayaa laga soo wariyay aagga Danwadaagaha halkaasi oo ay isugu soo baxeen dad taageersan Sheegow oo dalbanaya siideyntiisa.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya baaqyo kala duwan ku aadan in la siidaayo Sheegow Axmed Cali oo ka imaanaya qaybaha kala duwan ee uu beesha uu ka soo jeedo, kuwaasi oo ku baaqay in uu caddaalad helo.

Booliiska Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Sheegow in waa sida hadalka loo dhigay’e uu ka horyimid isku day lagu doonayay in lagala hadlo falal amni daro oo la sheegay inay gaysteen ciidamadiisa, sidaasna uu ku bilowday dagaalka saacadaha socday ee kaanay in ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed