Banaan-baxyada Ka Soocnaya Dalka Kenya Maxay Salka ku Hayaa?

Muqdisho (Hbnonlinetv)- Banaanbax ayaa ka Soconaya dalka Kenya, kuwaas oo Xirtay waddooyin waa weyn oo aad u adeegsadaan Gawaarida iyo dadweynaha.

Ciidamada Booliiska Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday maanta si ay u kala eryaan dibadbaxayaal isugu soo baxay magaalada Nairobi oo ay ugu baaqeen mucaaradku in ay ka mudaaharaadan dhibaatada nololeed ee dalka lagu ciqaabayo.

Dowladda Madaxweyne William Ruto ayaa wacad ku martay inay mawqif adag ka qaadan doonto banaanbaxyada, kaasoo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu wacad ku maray inuu socon doono inkastoo uusan helin ogolaanshaha booliska.

Dibad-baxayaasha ayaa sidoo kale dhagaxaan ku tuuray ciidamada ka hortagga rabshadaha ee bannaanka xafiisyada dowladda ee caasimadda, iyadoo ilaa labaatan qof la xiray, oo ay ku jiraan laba xildhibaan oo mucaarad ah, sida ay sheegeen wariyayaal ku sugnaa goobta.

Dadka Kenyaanka ayaa la dhibtoonaya sare u kaca qiimaha maciishadda aasaasiga ah, iyo sidoo kale hoos u dhac weyn oo ku yimid shilinka gudaha marka loo eego lacagta doolarka Mareykanka iyo abaartii ugu horreysay oo malaayiin qof ay gaajoonayso.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed