Baarlamaanka Soomaaliya oo qaadaya tallaabo ku aaddan dastuurka KGM ee Soomaaliya kaas oo ay ka taagan tahay dood adag

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dhameystirka Dastuurka dalka inta uu furmayo Kalfadhiga 4-aad.

Guddoomiyeyaasha Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ku nuux nuuxsaday baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo dastuurka, iyagoo tilmaamay in kulamada baarlamaanka ee soo socda ay muhiimad gaar ah siinayaan.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa Xildhibaanada kula dar daarmay inay mudnaanta siiyaan ka doodista Dastuurka. “Kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka waxaa looga doodi doonaa cutubyada dastuurka KMG ah, waxaan ka codsanayaa dhammaan xildhibaannada sharafta leh inay taageeraan ka doodista dastuurka si dastuurkeena looga saaro xilliga KMG ah,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlayay muhiimadda kulammada soo socda ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka inay muhiimad gaar ah siiyaan go’aannada la xiriira dastuurka.

Dhinaca kale Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa qiray in lagama maarmaan ay tahay in la dhameystiro dastuurka dalka. Wuxuu ku sifeeyay dastuurka Soomaaliya mid dheer, kharash badan, iyo khaladaad badan, isagoo ku nuux-nuux saday in si deg deg ah loo dhameystiro qabyo qoraalka

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed