Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay Miisaaniyadda dolwadda ee 2024-ka

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Miisaaniyadda dolwadda ee 2024-ka, kadib fadhi wada jir ah oo maanta ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa, 186 Xildhibaan ayaa u codeysay, 3 ayaa diiday , majirto cid aamustay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Cabdi Xaashi Cabdullaahi natiijada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa kula dar daarmay labada Gole ee Baarlamaanka in ay cod u qaadaan Miisaaniyadda, isla markaana ay akhriyaan kana doodaan kulamadii hore.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ka codsaday labada Aqal inay cod u qaadaan Miisaaniyadda, sababtoo ah waxaa heer gabo gabo ah maraya deyn cafinta Soomaaliya, isla markaana uu dalku buuxiyay shuruudihii la horgeeyay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo khudbad dheer ka jeediyay ansixinta aqlabiyadda leh ee la ansixiyay ayaa uga mahad celiyay Guddoonka iyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka sida ay maanta u ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2024-ka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loo gudbin doonaa Miisaaniyadda Dowladda si loo ansixiyo maadaama Golaha Wasiirada ay u codeeyeen, kadibna loo gudbiyay labada Aqal ee Baarlamaanka oo ugu dambeyn maanta cod u qaaday.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed