Baarlamaanka Puntland oo meel mariyay qodobo wax looga beddelayay dastuurka maamulkaas

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta yeeshay kulan xasaasi ah oo looga doodaayay qodobo dhowr oo wax looga beddelayay dastuurka maamulkaasi.

Kulan  ay yeesheeen baarlamaanka maamulka Puntland ayaa waxaa cod gacan taag ah loogu coddeyay qodobo destuurka ah oo wax looga  beddelaayo, kuwaas oo horay loo soo jeediyay.

54 mudane ayaa aqbalay in wax laga beddelo qodobadii hore ee dhaliyay murunka iyo khilaafka, 4 mudane ayaa diiday, halna waa ka aamusay.

Qodobka ugu cuslaa ee doodda adag ay ka taagneed  ee la beddelay waxa uu ahaa, qodobka dastuuriga ah ee sheegayay in saddex xisbi ay kusoo baxaan doorashada Puntland,  taasoo hadda ah laga dhigayo 9 xisbi in ay noqdaan.

Baarlamaanka ayaa meel mariyay in 9 Urur siyaasadeed ee hadda ka jiro Puntland in ay noqdaan 9 xisbi siyaasadeed,  aragtida iyo fikiraas waxaa horay u soo jeediyay Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Sharmaake, kuwaas oo dhawaan soo saaray bayaan ku saabsan xalka Khilaafka ka taagan Puntland.

Waxaa uu baarlamaanku isku raacay soo jeedin ku saabsanayd in sagaalka urur siyaasadeed ee hadda jira ay noqdaan 9 xisbi siyaasadeed, taasoo ahayd talo soo jeedin ay dhawaan soo jeediyeen raysal wasaarayaal hore, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdiarshiid

Sidoo kale Baarlamaanka ayaa meel mariyay in madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay ya yimaadaan dhanka Shacabka, taas oo ka dhigan  meesha laga saaray qodob dastuuri ah oo sheegayay in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay soo doortaan baarlamaanka.

Tallaabadaan ay maanta qaadeen baarlamaamka Puntland  ayaa waxaa ka taagnaa khilaaf xooggan oo horay u sababay dagaal dhaliyay khasaaro naf iyo maal ah, mucaraadka ayaa si xooggan u diidanaa tallabaadaan.

Waxaana durbo kaa hor yimid  qaar kamid siyaasiyiinya ka soo jeedo maamulkaas, oo ugu horreyo wasiirkii hore ee arrimaha debbada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed