Baarlamaanka Puntland oo magacaabay Guddi muhiim ah kaddib kulan xasaaasi ah oo ay ku yeesheen magaalada Garowe

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta magacay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada, kaddib kulan maanta ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Garowe, isla markaana lagu meel mariyay Guddigaan, oo kamid ahay Ajanedaha kulan, oo horay loo shaaciyay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa fadhiga furay, iyadoo ajanduhu ahaa magacaabida xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada.
Waxaa Golaha dhammaan la dhammeystiray soo gudbinta Xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha oo ka kooban 10 xubnood.

Waxaa si rasmi ah loo dhammeystiray xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada Puntland, kadib soo gudbinta Xildhibaannada cusub.

Waxaana gobolkasta Golaha u soo gudbiyey xubnaha uga mid noqonaya Guddiga Joogtada ah, kuwaas oo kala ah:

1. Maxamuud Shire Cismaan
2. Maxamed Siciid Cali
3. Maxamuud Dhakuul Xirsi
4. Cabdiwelii Yuusuf Warsame
5. Cabdicasiis Axmed Saalax (Dhahar)
6. Xasan Yuusuf Majabe
7. Mowliid Abokor Caafi
8. Xassan Ducaale Cali (Dhagax-tuur)
9. Yaasiin Jaamac Cumar
10. Cabdirisaaq Jaamac Aadan

Guddiga joogtada ah ayaa ka koobanaa Guddoomiyaha, Labada Guddoomiye ku-xigeen iyo 10 Madax Guddiyeed, sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 11-aad.  Guddiga maanta la meel mariyay ayaa kala ah:

1.Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.
2. Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah.
3. Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha.
4. Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka iyo
Dimuqraadiyadda.
5. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada.
6. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka.
7. Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.
8. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.
9. Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah.
10. Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha qoyska.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed