Baarlamaanka Puntland oo Bayaan Ka soo Saaray Furitaanta Dastuurka kaas oo Dhaliyay Dagaal.

Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay furitaan dastuurka Maamulkaas kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Garowe,  kaas oo looga doodday wax ma beddelka dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa Soo jeedinaya wax- bedelka Dastuurka Dawladda Puntland oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga gaarka ah ee Falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka. Fadhiga waxaa goobjoog ka ahaa 35 Mudane.

Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha Golaha, waxaa Oggol ugu codeeyay 34 mudane, Diidmo 1 Mudane, cid ka aamustayna majirin, waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta wax-ka-bedelka Dastuurka.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso iyada oo Magalaada Garowe uu ka socdo dagaal Culus oo dhexeeyo Ciidamo ka soo horjeedo furitaan Dastuurka Puntland iyo kuwa taageersan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed