Baarlamaanka Puntland dhammeystiray guddi muhiim ah sidoo kalana la dhaariyay

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta yeeshay  Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada, waxana shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha abdirashiid Yuusuf Jibriil.

Ajandaha ayaa ah Ansixinta Xubnaha magacaaban ee Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC. Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen saddex xubnood oo ka harsanaa Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, tirada guud ayaana noqonaysa 12 xubnood.

Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntlan, waxaana dhaariyey Garsoore ka socda Maxkamadda sare.

Xubnaha ayaa kala ah;

1. Cabdisalam Bashiir Cabdisalam
2. Maxamuud Axmed Caynab (Gubsul)
3. Ubax Cabdullahi Abshir.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed